Horumarinta ICU, ER iyo Shaqaalaha Caafimaadka Soomaaliyeed

NAGU SAABSAN
Xarunta Horumarinta Qeybaha ICU-da iyo emergency-ga, waxaa la aasaasay 15 May 2025 si loo taageero horumarinta adeegyada caafimaadka ee Soomaaliya, gaar ahaan qaybaha daryeelka daran (ICUs) iyo qaybaha deg dega ah (ERs). Xaruntu waxay xoogga saartaa in la helo kalkaaliyeyaal tababaran oo ka shaqeyn kara isbitaalada, waxayna siisaa tababar shaqaalaha caafimaadka ee waddanka ah, sidoo kalena ka caawisaa dhisidda ama hagaajinta qeybaha ICU iyo emergency-ga. Waxaa aas-aasay xirfadlayaal Soomaali ah oo ka kooban kalkaaliyeyaal khibrad u leh daryeelka bukaanada ku jiro xaaladaha adag, kuwaas oo u heellan xoojinta iyo horumarinta adeegyada degdegga iyo daryeelka adag. Xaruntu waxay taageertaa kalkaaliyeyaasha ICU iyo emergency-ga, isbitaalada, jaamacadaha, dugsiyada tababarka caafimaadka, iyo xarumaha caafimaadka ee dowladda iyada oo bixisa tababarro, qiimeyn isbitaal, cilmi-baaris, iyo talooyin lagu horumarinayo tayada daryeelka. Waxay si dhow ula shaqeysaa isbitaalada Soomaaliyeed, hay’adaha aan dowliga ahayn (NGOs), iyo jaamacadaha si loo fahmo caqabadaha dhabta ah loona soo bandhigo xalal waxtar leh oo ku habboon xaaladda dalka.


WAXAAD HALKAN KA AQRISAN KARTAA CASHARO CAAFIMAAD
Waxaan ku faraxsanahay inaan kuu soo gudbinno macluumaad caafimaad oo si sahlan loo fahmi karo kuna saabsan mowduucyo badan oo caafimaad. Haddii aad dhigato iskuul, jaamacad, ama ku jirto shaqo, ama naftaada oo keliya inaad horumariso dooneyso, waxaad halkan ka heli doontaa fikrado caafimaad oo qiimo leh.
Casharradayada waxaa loo habeeyey qaybo fudud, laga bilaabo "Anatomy" ilaa "Gargaarka deg deggda" Waxaan u sharaxnaa maadooyinka adag si sahlan in la fahmo darteed, si aad u sameyso doorashooyin caqli gal ah oo ku saabsan caafimaadkaaga.
Baadh casharradayada oo ku xooji naftaada aqoonta. Ku raaxayso barashada iyo inaad caafimaad qabtid! READ MORE

MUUQAALO CAAFIMAAD INGIRIIIS AH
Ma doonaysaa inaad horumariso Ingiriisigaaga Caafimaadka? Waxaad joogtaa meesha saxda ah!
Fiidiyowyadayadu waxay caawiyaan faa'iidooyinka daryeelka caafimaadka iyo ardaydu inay bartaan ereyo caafimaad, sida loola hadlo bukaannada, iyo xaaladaha isbitaallada caadiga ah - dhammaantood waxay ku qoran yihiin Ingiriis fudud oo cad.
Haddi aad wax u baranayso imtixaano ama aad rabto in aad ku hadasho Ingiriis caafimaad oo wanaagsan, fiidiyowyadeenu waxay ka dhigayaan barashada mid fudud oo xiiso leh.
Bilow xoojinta Ingiriisigaaga caafimaadka maanta!
KHIBRADDA SHAQAALAHEENNA AY LEEYIHIIN

BASIC LIFE SUPPORT (BLS)
Tababar Loo qabtay
Ardayda Jaamacadda SIMAD
2024

BASIC LIFE SUPPORT (BLS)
Tababar Loo qabtay
Ardayda Jaamacadda SIU
2023/2024/2025

BASIC LIFE SUPPORT (BLS)
Tababar Loo qabtay
Ardayda Jaamacadda PLASMA
2024

PRE OPERATIVE AND POST OPERATIVE CARE
Tababar loo qabtay
Ardayda Jaamacadda DHU , 2024

CRITICAL CARE NURSING
Tababar Loo qabtay
Shaqaalaha Isbitaalka Gobolka Bay
2022

ADVANCED CARDIAC LIFE SUPPORT (ACLS)
Tababar Loo qabtay
Shaqaalaha Isbitaalka Liibaan
2024

BASIC LIFE SUPPORT (BLS)
Tababar Loo qabtay
Ardayda SOS Nursing Collage
2025

COVID-19 RESPONSE
Lead Emergency & Critical Care
Kasoo Howl galay, Demartino Public Hospital, 2020

RESEARCH PUBLICATION
Cilmi baaris lagu daabacay
High quality Journals, Q1
2024
Meet Our Team
Waa qeyb ka mid ah Shaqaalaheenna Khibradda leh

CEO, Founder SOM_ICU_ER_HUB
Abdishakur Mohamud Hassan
Abdishakur Mohamud Hassan waa xirfadle caafimaad oo ku takhasusay daryeelka bukaanada xaaladda adag ku jira (ICU), bare caafimaad, iyo tababare xirfadeed oo khibrad dheer u leh daryeelka xaaladaha caafimaad ee adag iyo kuwa degdegga ah. Waxa uu haystaa shahaadada darajada 1 aad ee B.Sc. Nursing ee Caafimaadka oo uu ka qaatay Jaamacadda Caalamiga ah ee Soomaaliyeed (SIU) sanadkii 2016. Waxa uu sidoo kale kasoo shaqeeyay, tababarkiisa BLS iyo ACLS kusoo qaatay Isbitaalka faca weyn ee Mogadishu Somali Türkiye Recep Tayyip Erdoğan Training and Research Hospital, oo ah isbitaalka ugu weyn ee ku Yaala Soomaaliya.
Hadda, Abdishakur waxa uu ka shaqeeyaa Isbitaalka Dr. Sumait ee jaamacada SIMAD isagoo ah Kalkaaliye Sare ee ICU-da, wuxuuna bare iyo cilmi-baare ka yahay Jaamacadda SIMAD, qeybta caafimaadka. Wuxuu kaloo tababaro ka bixiyaa daryeelka bukaanada qalliinka ka hor iyo ka dib iyo daryeelka bukaanada ku jiro xaaladaha adag isagoo lasoo shaqeynayay hay’adda ICRC. Waxa uu door muhiim ah ka qaatay xarumihii COVID-19 ee DEMARTINO HOSPITAL Muqdisho iyo dalka intiisa kale isagoo masuul ka ahaa ICU ah. Ugu dambeyn, hadda waa tababare katirsan mareegta somicuer.com

Senior Training facilitator, SOM_ICU_ER_HUB
Abdinasir Muhudin Abdull
Abdinasir Muhidin Abdulle waa xirfadle caafimaad oo khibrad dheer u leh daryeelka bukaanada xaaladaha adag ku jira iyo caafimaadka bulshada. Wuxuu haystaa shahaadada 1aad B.S.c Nursing oo uu ka qaatay Jaamacadda Salaam sanadkii 2015. Abdinasir wuxuu ka soo shaqeeyay hay’adda MSF ee isbitaalka Deynile, isbitaalka Banadir, iyo EX-Digfeer Mogadishu Somali Türkiye Recep Tayyip Erdoğan Training and Research Hospital, isagoo ahaa kalkaaliye ICU. Tan iyo 2021, wuxuu yahay madaxa qeybta ICU-da ee Isbitaalka Dr. Sumait ee jaamacadda SIMAD. Sidoo kale, wuxuu door muhiim ah ka qaatay tababarro iyo wacyigelinno caafimaad oo ay qabanqaabiyeen hay’adaha caafimaad ee dalka, gaar ahaan barnaamijyada nafaqeynta iyo gurmadka degdegga ah. Hadda wuxuu sidoo kale ka tirsan yahay jaamacadda SIMAD qeybta caafimaadka waana tababare iyo kormeere qaabilsan korjoogteynta ardayda ku jiro clinical rotation.
Waxa uu door muhiim ah ka qaatay xarumaha xarumihii COVID-19 isbitaalka DEMARTINO ee Muqdisho iyo dalka intiisa kale isagoo masuul ka ahaa qeybha ER-ah. Hadda waa tababare katirsan mareegta somicuer.com