top of page

ANATOMY AND PHYSIOLOGY

Halkan waxaad ka heli doontaa casharro kooban oo si sahlan loo fahmi karo, looguna talagalay ardayda iyo shaqaalaha caafimaadka. Casharadani waxey kaa caawin doonaan inaad dib u muraajaceyso fikradaha muhiimka ah oo aad si fiican ugu diyaar garowdo imtixaannada. Waxaad heli doontaa sharaxaad faahfaahsan, sawiro iyo su’aalo layli ah si kor loogu qaado fahamkaaga.

Waxyaabaha Muhiimka ah:

  • Casharro Qoto Dheer leh

  • Sharaxaad iyo sawiro Cad

  • Su’aalo Layli ah oo Imtixaan

Ka faa’iidayso fursaddan si aad u barato una xoojiso aqoontaada caafimaad!

anatomy.jpg

QEYBTA 1AAD EE HORDHAC

Qeybtan waxaa lagu soo bandhigi doonaa hordhac kooban oo ku saabsan laba culuumood oo muhiim ah oo saldhig u ah kalkaalinta caafimaadka: anatomy (qaab-dhismeedka jirka) iyo physiology (habka uu jirku u shaqeeyo). Waxaad baran doontaa micnaha erayadan, sida ay isugu xiran yihiin, iyo muhiimaddooda ku aaddan fahamka jirka bini’aadamka ee caafimaad iyo xanuun labadaba. Sidoo kale, waxaad baran doontaa heerarka kala duwan ee dhismaha jirka laga bilaabo unug ilaa nidaamyo jirka ah. Qeybtani waxay dhistaa aasaaska lagama maarmaanka u ah fahamka cilmiga caafimaadka si xirfadaysan loogu dabaqo daryeelka bukaanada.

digestive system IMAGES.jpg

QEYBTA 2 AAD HABDHISKA DHEEFSHIIDKA

Cutubkan wuxuu si kooban u sharxayaa habdhiska dheefshiidka ee bini’aadamka, kaas oo mas’uul ka ah burburinta, nuugista, iyo sifeynta cuntada. Waxaad baran doontaa xubnaha ugu muhiimsan sida afka, caloosha, mindhicirka, beerka, xameetida, iyo beeryaha, iyo sida ay iskula shaqeeyaan si jirku u helo nafaqo. Fahamka nidaamkan waa muhiim si aad u fahanto cudurrada dheefshiidka iyo daryeelka bukaanada.

SKELETAL  SYSTEM.jpg

QEYBTA 3 AAD HABDHISKA LAFAHA

Cutubkan wuxuu si kooban u sharxayaa habdhiska lafaha bini’aadamka, kaas oo bixiya qaab-dhismeedka jirka, ilaaliya xubnaha gudaha, una fududeeya dhaqdhaqaaqa. Waxaad baran doontaa qaybaha kala duwan ee lafaha, sida laf-dhabarta, feeraha, iyo lafaha gacmaha iyo lugaha, iyo sidoo kale doorka kala goysyada iyo murqaha ku xeeran. Fahamka nidaamkan wuxuu muhiim u yahay taageerada, dhaqdhaqaaqa, iyo daryeelka dhaawacyada la xiriira lafaha.

bottom of page