5 XIRFAD AY QASAB TAHAY INUU LAHAADO KALKAALIYE WALBA
- Abdishakur Mohamud Hassan Hidigow
- Jun 10
- 3 min read
Updated: Jun 11

kalkaaliso/kalkaaliye ahaan, in la helo xirfadaha saxda ah ayaa ah mid aad muhiim u ah si loo bixiyo daryeel tayo leh iyo in la hubiyo natiijooyin wanaagsan oo bukaannada ah. Haddii aad tahay kalkaaliso/kalkaaliye khibrad leh ama aad ku cusub tahay xirfaddaada, waxaa jira xirfado muhiim ah oo ay tahay in kalkaaliso/kalkaaliyaha Soomaaliyeed ee ka shaqeysa qeybaha kala duwan ee caafimaadka. Halkan waxaa ku soo bandhigi doonnaa shanta xirfadood ee ugu sarreeya ee kaa caawin doona inaad ku guuleysato goobta aad ka shaqeyneyso.
Fikirka tolmoon (Criritical thinking): Goobaha caafimaadka marka la joogo go'aan qaadashada degdegga ah oo saxda ah ayaa muhiim ah. Kalkaalisada/kalkaaliyaha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay si fiican u fikiraan, xaaladaha si dhakhso ah u qiimeeyaan, iyo inay daryeelka mudnaanta siiyaan iyadoo lagu saleynayo baahida degdegga ah ee xaaladda bukaanka. Awoodda lagu falanqeeyo xogta, lagu turjumo calaamadaha iyo in la saadaaliyo dhibaatooyinka suurtagalka ah ayaa lagama maarmaan u ah bixinta daryeel wax ku ool ah gaar ahaan xaaladaha degdegga ah.
Xirfadaha wada xiriirka (communication skills): Wada xiriir wax ku ool ah ayaa ah furaha guusha ku jirta goob kasta ee caafimaad , laakiin waxay si gaar ah muhiim ugu tahay qeybaha degdega ah halkaas oo isgaarsiin waxtar leh oo sax ah badbaadana u noqon karto nolosha iyo dhimashada bukaanka. Kalkaalisada/kalkaaliyaha Soomaaliyeed waa inay ku fiican yihiin xiriirka gudbinta macluumaadka bukaannada, qoysaskooda, iyo xubnaha kale ee kooxda caafimaadka si cad oo naxariis leh. Xirfadaha isgaarsiinta oo xooggan waxaa ka mid ah dhageysi firfircoon, naxariis, iyo awoodda lagu wada shaqeeyo asxaabta si loo hubiyo daryeel aan kala go' lahayn oo bukaannada la siinaayo.
Adkeysiga (Endurance): Shaqada caafimaadka gar ahaan qeybaha degdega waxay noqon kartaa mid adag oo xanuun badan jir ahaan iyo maskax ahaanba, iyadoo la shaqeynayo saacado dhaadheer, xaalado cadaadis leh, iyo la kulanka dhacdooyin naxdin leh. Kalkaalisada/kalkaaliyaha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay horumariyaan adkeysiga si ay ula qabsadaan baahiyaha shaqada, aysan saameyn ku yeelanin guuldarrooyinka, iyo inay lahaadaan dareen iyo fikir togan xitaa marka ay la kulmaan dhibaatooyinka. Dhisidda adkeysiga iyada oo loo marayo daryeelka nafta, raadsashada taageerada asxaabta, iyo helitaanka fursado caafimaad leh oo lagu maareeyo cadaadiska iyo welwelka ayaa ka caawin kara kalkaalisada/kalkaaliyaha inay ka guuleystaan xaaladaha adag.
Xirfadaha lasocodka (Monitoring skills): Kalkaalisada/kalkaaliyaha gaar ahaan qeybaha degdega waa inay ku fiican yihiin xirfado iyo farsamo oo ballaaran, oo ay ku jiraan sameynta habraacyo (procedures) caafimaad oo kala duwan, daryeelka iyo daaweynta, lasocoshada calaamadaha muhiimka ah, iyo kushaqeynta qalabka caafimaadka ee kala duwan. Kalkaalisada/kalkaaliyaha Soomaaliyeed waa inay la socodaan horumarka ugu dambeeyay ee daryeelka caafimaadka degdegga, kana qayb qaataan kulamada iyo tababarada khuseeya iyo inay raadsadaan fursado ay ku helaan tababaro oo ay ku horumarinaayaan xirfadaha si ay u bixiyaan daryeel ammaan ah oo wax ku ool ah.
Qaab Koox ah ushaqyn : In loo wada shaqeeyo si koox ah, wax ay muhiim u tahay qeybaha kala duwan ee caafimaadka iyo qeybaha degdegga ah. Kalkaaliyeyaasha Soomaaliyeed waa inay awoodaan inay la shaqeeyaan dhakhaatiirta, kalkaaliyayaasha kale, farsamayaqaanada, iyo xirfadlayaasha kale ee caafimaadka si ay u iskugu dubaridaan daryeelka, go'aan qaadashada, iyo inay hubiyaan natiijooyinka ugu wanaagsan ee bukaannada. Dhisidda xiriir adag oo lala yeesho asxaabta, isgaarsiin furan oo ixtiraam leh, iyo kasbashada maskaxda iyo maanka asxaabtaada waxay muhiim u tahay shaqada in si koox ah loo qabto si loo wada guuleysto.
Guul i.a
Mowduuc muhiim ah waaye thanks