Waa Maxay Cadaadiska Dhiigga?
- Abdishakur Mohamud Hassan Hidigow
- 7 days ago
- 3 min read
Cadaadiska dhiigga ee halbowlayaasha waa awoodda uu dhiigga wareegaya ku saarayo darbiyada halbowlayaasha – kuwaas oo ah xididdada dhiigga u qaada oksijiinta leh ee wadnaha uga sii gudba jidhka intiisa kale. Waa qodob muhiim ah oo muujinaya waxqabadka garaaca wadnaha iyo sida halbowlayaasha ay ugu nugul yihiin dhiigga mara. Waxaa lagu cabbiraa milimitir murcuri (mmHg) waxaana lagu muujiyaa laba tiro: cadaadiska sare (systolic) iyo cadaadiska hoose (diastolic).
Cadaadiska Systolic, Diastolic, iyo Pulse Pressure
Systolic: Waa cadaadiska dhiigga marka wadnuhu gabo shaqadiisa garaaca (garaaca kor).
Diastolic: Waa cadaadiska dhiigga marka wadnuhu nasanayo inta u dhaxaysa garaacyada.
Pulse Pressure: Waa farqiga u dhexeeya systolic iyo diastolic.
Cadaadis dhiig oo caadi ah ayaa muhiim u ah wareegga dhiigga iyo keenidda oksijiinta xubnaha muhiimka ah. Haddii uu aad u yaraado ama uu aad u bato, wuxuu sababi karaa cudurro sida cadaadis-dhiig sare (hypertension), cadaadis-dhiig hoose (hypotension), iyo dhibaatooyin wadne ama maskaxda ah.
Cadaadiska Celceliska Arterialka (MAP)
MAP waa celceliska cadaadiska dhiigga ee halbowlayaasha marka wadnuhu mar qudha garaacayo (hal wareeg wadnaha). Wuxuu bixiyaa sawir ka fiican oo ku saabsan sida dhiiggu u gaadho xubnaha muhiimka ah.
Sida Loo Xisaabiyo MAP:
Formula:
MAP = (Cadaadiska Systolic + 2 × Cadaadiska Diastolic) / 3
Tusaale:Haddii dhiiggu yahay 120/80 mmHg:
MAP = (120 + 2×80) / 3 = (120 + 160) / 3 = 280 / 3 = 93.33 mmHg
Heerarka Caadiga ah ee MAP:
70 ilaa 100 mmHg waa heerka caadiga ah.
< 70 mmHg: Xubnaha laga yaabo inaysan helin dhiig ku filan.
> 100 mmHg: Cadaadis xad dhaaf ah oo saaran halbowlayaasha iyo xubnaha.
Waa Maxay Cadaadiska Dhiigga Caadiga ah?
Sida ay sheegtay Ururka Wadnaha Maraykanka (AHA):
Caadi: Systolic < 120 mmHg iyo Diastolic < 80 mmHg
In la ilaaliyo cadaadis dhiig oo caadi ah waxay yaraynaysaa khatarta cudurrada sida wadne xanuunka, istaroogga, iyo kelyaha.
Maxaa Saameeya Cadaadiska Dhiigga?
Qulqulka Wadnaha (Cardiac Output) – Dhiigga uu wadnuhu garaac kasta ku soo saaro.
Iska caabbinta halbowlayaasha (Peripheral Resistance) – Sida xididdada dhiigga u celiyaan qulqulka dhiigga.
Mugga Dhiigga (Blood Volume) – Dhiigga guud ee ku jira jirka.
Dufnaanta Dhiigga (Viscosity) – Sida uu dhiiggu u culus yahay.
Adkaanta Xididdada (Elasticity) – In halbowlayaashu kala bixi karaan oo soo laaban karaan.
Xakameynta dareenka (Neural Control) – Habdhiska dareenka ee SNS iyo PNS.
Hormoonnada – RAAS, ADH, adrenaline iyo kuwo kale.
Kelyaha – Waxay kormeeraan biyaha iyo milixda, waxayna saameeyaan cadaadiska dhiigga.
Waxyaabaha Kale ee Saameeya Cadaadiska Dhiigga
Da’da: Artery-yadu adkaan karaan.
Jimicsiga: Wuu yareeyaa cadaadiska dhiigga.
Walbahaarka (Stress): Wuxuu kordhiyaa cadaadiska.
Jinsiga & Isirka: Ragga iyo dadka African-American ayaa khatar badan ugu jira.
Dawooyinka: Qaar kordhiya, qaarna yareeya BP.
Heerkulka Cimilada: Qaboowgu wuu kordhiyaa; kulaylkuna wuu yareeyaa.
Cuntada: Cusbo badan iyo cunto dufan leh ayaa kordhin karta BP.
Miisaanka: Cayilku wuxuu kordhiyaa BP.
Sigaar cabidda: Nicotine-ku wuu kordhiyaa.
Hurdada: Hurdo xumo waxay kordhisaa BP.
Xaaladda Jirka: Joogista ama fadhiga wuu saameeyaa BP.
Cadaadis Dhiig Sare (Hypertension)
Hypertension waa xaalad caafimaad oo cadaadiska dhiigga uu si joogto ah u sarreeyo. Waa halis u ah wadnaha, maskaxda, iyo kelyaha.
Kala Soocidda:
Caadi: < 120/80 mmHg
Sare oo yar: 120-129/<80 mmHg
Heerka 1aad: 130-139 ama 80-89 mmHg
Heerka 2aad: ≥140 ama ≥90 mmHg
Krisis Hypertensive: >180/120 mmHg (degdeg caafimaad)
Sababaha:
Nooca Koowaad (Primary): Iskeed u bilaabma, sabab gaar ah maleh.
Nooca Labaad (Secondary): Sabab caafimaad kale ama daawo.
Khatarta: Da’da, miisaanka, cunto xumo, sigaarka, stress, xanuuno kale.
Calaamadaha:
Inta badan wax calaamad ah maleh.
Marka uu aad u bato: madax xanuun, neefta oo ku yaraata, sanka oo dhiiga ka yimaadda.
Daaweynta:
Isbedelka hab-nololeedka: Miisaan dhimis, jimicsi, cunno fiican, iyo xakamaynta walbahaarka.
Dawooyin: Sida ACE inhibitors, beta blockers, iwm.
La socod joogto ah: Cabbiraadda BP mar walba.
Cadaadis Dhiig Hoose (Hypotension)
Hypotension waa xaalad cadaadiska dhiigga uu aad u hooseeyo. Waxaa laga yaabaa inuu sababo wareegga dhiigga inuu gaari waayo xubnaha muhiimka ah.
Sababaha:
Fuuqbax
Xanuunnada Wadnaha
Dhibaatooyinka Hormoonnada
Infekshannada Halista ah
Dhiig-bax
Naafonimo nafaqo (B12 ama folate)
Dawooyin
U istaagid degdeg ah (Orthostatic Hypotension)
Kadib Cunto (Postprandial)
Uurka
Calaamadaha:
Wareer
Madax wareer
Aragga oo daciifa
Lalabbo
Daal
Dareen la’aan ama suuxdin
Daaweyn:
Isbedel Nololeed: Cabista biyo badan, milix dheeraad ah, kabaha cadaadiska, istaagida tartiib ah.
Dawooyin: Marka loo baahdo.
Xakamaynta sababta hoose: Xanuunka keenaya marka la ogaado.
🩺 La soco cadaadiska dhiiggaaga! Cabbir joogto ah iyo nolol caafimaad leh waxay kaa ilaalin karaan dhibaatooyin caafimaad oo khatar ah.
Ma rabtaa qoraallo caafimaad oo badan? Nagu soo biir blog-ka si aad u hesho talooyin caafimaad, cuntooyin caafimaad leh, iyo xog muhiim ah oo ku saabsan wadnahaaga.
Comments